Maanta ayaa waxaa ka
soo kicitimay Isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee wadanka
Kenya qabiiliiste Cabdullahi Yusuf oo ay rakiban tahay gaaska
hawada ah ee lagu neefsado oo ah midka gacanta lagu qaadan karo
(Portable oxgygen mechine), wuxuuna soo gaaray magaalada London
ee wadanka Ingriiska saacadu markii ay hayed 5pm galbnimo isaga
oo isbitaal hore laga geeyey.
Iyada oo Cabdullahi
Yusuf ka soo duulay maanta Isbitaalka magaalada Nayroobi ee
caasimada Kenya oo uu ku jiray 4 malmood arimo caafimaadkiisa oo
halis galay, Cabdullaahi Yuusuf ayaa safarkiisa waxaa ku wehlaya
xubno ka tirsan ilaaladiisa Madaxtooyadda iyo xubno kale oo ku
jufo ah.
Dhanka Kale waxaa Cabdullahi Yusuf lagu soo dhoweeyo
Mudaharaad ka dhan ah Cabdullahi Yusuf ee lagu diiddan yahay
inuu yimaado wadanka Ingriiska oo demoqoraadiyad ka jirti nin
danbiile dagaal ah.
Mudaharaadka ayaa ka dhacaya Isbitaalka uu jiifo hortiisa iyada
oo dad badani isugu imanayaan.