| Ku soo dhawaada Somaliawatch, maanta waa
Midowga
Maxkamadaha oo soo dhaweeyay xabad joojinta
Midowga
Maxaakiimta islaamiga ayaa waxa ay sheegeen in ay aqbaleen
xabad joojinta ay soo jeediyeen odayaasha, waxgaradka, ganacsatada
iyo siyaasiyiinta beelaha Mudulood.
Sheekh Shariif, Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Gudoomiyaha
Midowga maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif oo u waramayay
shabakada warbaahinta Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dhinacooda
ay aqbaleen, ayna soo dhaweeyeen xabadjoojintii ay ku dhawaaqeen
odayaasha, waxgaradka, ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha
Mudulood, oo iyagu ku howlan joojinta dagaalada magaalada
Muqdisho.
Sheekhu
waxa uu sheegay in markii horeba weerar aysan aheyn, oo duulaan
lagu soo qaaday, haatana xabadda hadii laga codsado in ay
joojiyaan ay u hogaansamayaan xabad joojintaasi.
Waxa
uu sheegay in dhibkii ka soo gaaray shacabka xabadaha waaweyn
ay ee la ridayay iyo dadkii qaxay iyo guud ahaan dhibaatada
ka dhalatay dagaaladu in ay tahay mid soo gaartay maxkamaduhu,
oo uu sheegay in shacabka ay la qeybsanayaan.
Maalintii
shalay aheyd ayaan wax rasaas ah laga maqlin deegaanka Siisii
marka laga reebo rasaas goos goos ah oo galinkii hore ee shalay
ay isku rideen labada dhinac, iyadoo dadaalo nabadeed ay ka
soconayaan xaunta Sheekh Shariif Sheekh Muxudiin.
|