
Waxay
aheed maalin xasuus gaar ah laheed kadib markii
wariyayaal badan oo aan kamid ahaa la isugu
yeeray xarunta uu magaaladda Muqdisho ka daganaa
hogaamiye Maxamed Qanyare Afrax ee Dayniile
maalintaas ayaa ku beegneed 18-kii Febraayo ee
2006 maanta oo kale oo hadda laga joogo laba
sanadood.
Waxaa halkaa ka soconayay kulan ballaaran oo ay
isugu yimaadeen xarunta Wasiirkii Amniga Qaran-ka
ee degmada Dayniile xubno ka tirsanaa Wasiiradii
xukuumadda federaalka ee Muqdisho ku hubeysanaa
xiligaas ayna ka mid ahaayeen Wasiirkii Amniga
Qaran-ka Max'ed Qanyare, Wasiirkii Ganacsiga
Muuse Suudi Yalaxow, Wasiirkii dhaqancelinta
maleeshiyooyinka Bootaan Ciise Caalin, Wasiirkii
Awqaafta & Arrimaha Diinta Cumar Max'uud Max'ed
(Cumar Filish), iyo xuno ka mid ahaa
ganacsataddii Gobolka Banaadir oo kala ahaa
Bashiir Raage Shiiraar , C/rashiid Ilqeyte, &
Ciise Cusmaan Cali waxaana sidoo kale ka soo qeb
galay Guddoomiyahii xisbiga siyaasiga ah ee
Somali-National Party Cabdi Shukri Cali Xirsi.
iyo nin markaa ku cusbaa masraxa siyaasadda ama
qabqablayaasha magaaladda Muqdisho waa Cabdi
Nuure Siyaad (Cabdi Waal), iyadoo ay gadaalna
kaga soo biireen Cabdi Xasan Cawaale Qybdiid iyo
Maxamed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere oo tiradda
isbahaysiga gaarsiiyay ilaa 11 xubnood halka ay
9 xubnoo ahaayeen kuwii aas aasay ee ku
dhawaaqay.
Ujeedadda Kulankaa ayaa ahaa in halkaa looga
dhawaaqo isbahaysi ay ku mideysanyihiin inta
badan Hogaamiye kooxeedyaddii xiligaa hubka iyo
taageeradda badan ku lahaa magaaladda Muqdisho
iyo qaar kamida ganacsatadda Gobolka Banaadir
kaas oo isla maalintaasba dhidibada loo taagay
looguna magac daray Isbahaysiga Ladagaalanka
Argagixisadda iyo soo celinta nabadda.
Waxaa dhanka kale isla maalintaas bilaawday
dagaalkii u dhaxeeyay Isbahaysigii cusbnaa iyo
waliba gollaha Maxaakiimta islaamka iyadoo la
maqlayay rasaas iyo madaafiic ay is
weydaardaarsanayeen ciidamadda isbahaysiga gaar
ahaan maleeshiyadkii Maxamed qanyare iyo
Gollihii maxaakiimta islaamka.
Inta badan dadku waxay aad ula yaabeen ama cabsi
ku abuurtay hogaamiye kooxeedyadda isbahaystay
iyo sida looga adkaan karo iyadoo markaana dadku
ay wada saadaalinayeen in la weyn doono awood
ishortaagta hogaamiye kooxeedyadaas oo iyagu
ahaa kuwii ugu hubka badnaa magaaladda Muqdisho.
Hadaba waxaa isla maalintaasba hadlay oo war
siiyay saxaafadda Gudoomiyihii gollaha
Maxaakiimta islaamka Sh Shariif Sh. Axmed oo
sheegay in ay dagaal kaga hortagi doonaan "
Isbahaysiga Sharta iyo Sheydaanka insha allah
wey jabbi doonaan iyagaana ka shalaan doona
waana Ashahaado la dirir" ayuu yiri Sh. Shariif
Maanta oo kale sanadkii 2006 waxay aheed
taariikh iyo isbadal la yaab leh ee soo mara
dalka Soomaaliya tan iyo intii xukuumaddii
Milatariga laga saaray dalka, iyadoo dhamaan
xubnihii ku bahoobay isbahaysigii ladagaalanka
argagixisadda laga eryay goobihii ay ka
talinayeen lagalana wareegay hubkoodii waxaana
intaa sii dheereed in qaarkii ku jiray dowladda
KMG ah iyana laga xayuubiyay xilalkoodii intaas
oo dhan waa taariikh u baahan cibro qaadasho
maadaama dadkii awooda isbadi jiray dharaar cad
cagta cagta loo saaray lagana ceyriyay
fariisimahoodii.

Hadaba waxaan rabaa in aan idin soo xasuusiyo ku
dhawaaqistii isbahaysiga ladagaalanka
argagixisadda iyo qudbooyinkii ay halkaa ka
jeediyeen hogaamiye kooxeedyaddii iyo qaar kamid
ahaa ganacsatadii M/Muqidisho.
Qoraal Saxaafadeedkoodu waxa uu u qornaa Sidan:
1) Anagoo ka kooban madaxda magacyadooda hoos ku
qoran yihiin, waxaan nahay Isbaheysi Soomaali ah
oo ku bahoobay soo celinta nabadgelyada & la-dagaalanka
argagixisada caalamiga ah ( Counter terrorisim)
ee wadankeena joogt & kuwa u kaalmeynaya
dembiilayaasha ajnebiga ah.
Waxaan balanqaadeynaa in aan wax ka qaban doono
dib u dhiska wadanka, sida iskuulada,
isbitaalada, masaajida & taakuleynta
culumaa'udiinka, waddooyinka, siinta biyo nadiif
ah & wixii la mid ah, iyadoo la tixgelinayo
talada shacabka oo hadba meesha ku haboon la
hormarinayo.
2) Annagu ajende siyaasadeed ma lihin, qabiil,
jufo ama qoys kama soo horjeedno, mana metelno
reer gaar ah, waxaan ka koobanahay qabaa'ilo
badan oo ku bahoobay la dagaalanka argagixisada
& sharci darrada dalka, gaar ahaan magaalada
Muqdisho si dhabaha loogu xaaro mustaqbal
nabadgelyo leh wadankeeda & caruurteena,
howshaana dowladda KMG ah nooma aysan xilsaarin
hase yeeshee waa waajib annaga na saaran.
3) Waxaan dooneynaa in aan horay u socono oo
aanu u wadajirno sidii looga shaqeyn lahaa
danaha ummaddeena, oo aan u dhisi laheyn
mustaqbalka qoysaskeena.
4) Waxaan soo marnay dhibaato gaamurtay markaan
waa in aan u midoownaa sidii aan dalkeena hooyo
uga caawin laheyn ajnabigaasi dalalkooda laga
soo nacay, fakad-kana ah, kuwaasoo raadinaya in
ay na burburiyaan, xorriyadeeniina lumiyaan.
5) Waxaan nahay dad ku dhashay diinta Islaamka,
kuna dhimanaya hadduu ALLE Idmo oo aaminsan ALLE
& Kitaabka Qur'aanka Kariimka ah ee uu noogu soo
dhiibay nebigeena Muxamad Nabadgelyo & Naxariis
korkiisa ha ahaateen, mana aqbaleyno in iyadoo
dano gaar ah lagu fushanayo lagu waxyeeleeyo
dalkeena & dadkeena si guracan.
6) Waxaa ayaan darro ah in shaqsiyaadkaasi ay
bulshada muddooyinkan dambe ka dhex-muuqdeen
iyagoo isku muujinaya in ay shacabka
nabadgelyadiisa ka shaqeynayaan, ayna ku dhex
wataan dilalka shaqsiyaadka ay doonayaan in ay
tir-tiraan iyo ilaalinta mujrimiinta dalalkooda
dembiyada ka soo galay.
Ajnebiga ku dhuumaaleysana wadankeeda waxaa
gacanta ku haya shaqsiyaad Soomaali ah oo ay
maalgeliyeen argagixisada si ay hoy ugu noqoto
dalkeena maadaama aysan ku noolaan karin dal uu
sharci ka jiro oo dalalkoodiina ay ka soo
carareen.
Diinteena Islaamka waa ka weyn tahay wax loo
isticmaalo qarbudaad & in lagu fuliyo afkaaro
aan waafaqsaneyn wada-noolaanta & tacaamulka
bini'aadamka ee nabadgelyada ku dhisan.
Waxaa sanadahaan dambe batay dilal qorsheysan
aadna u fool xun oo lagula kacayo ciddii loo
aqoonsado qunyar socod aan waafaqsaneyn
fikradaha kulul ee argagixiso-nimo, dilalkaas
waxaa geysta kooxaha madaxa & afka duubta waana
qorshe hor leh oo xilliyadii dagaalada sokeeye
jireen aan la aqoon, ciddii wax disha waa la
aqoonsan jiray, waana la isku qabsan jiray oo
laga xalai jiray, hase yeeshee inkastoo ay is
qariyaan, haddana waa la ogyahay oo maalin
maalaha ka mid ah waxaa la hor keeni doonaa
sharciga haddii ALLE Idmo.
Dadka la leynaayaa waa maskaxdii bulshada oo
isugu jira culumaa'udiin aan aaminsaneyn in dil
& burburin Islaamku wax ku wado, aqoonyahano,
saraakiil & waxgarad haddii aqoontii & maskaxdii
la leeyo waa loo jeedaa waxa lala damacsan yahay
wadankeena, waana in kala dambeynu jirin, hubka
aan la xareyn, fowdadu sii jirto, kadibna na loo
aqoonsado hoy argagixisadu ku noolaan karto,
sidaasna wadankeeda dhib uusan xambaari karin la
kulmo, sida annagoo xorriyadeena ku weyna.

Fikirka kale ee isna la soo dhoofiyey ee
weligeen horay wadankeena looga arag waa in meel
aan dagaal ka jirin oo bartamaha magaalada ah
lagu aaso miinooyin, si nolosha dadka loo
argagax geliyo, waxaa iyadana la arko bambooyin
mootooyiin ama gawaari lagu soo xiray lagu
qarxinayo magaalada dhexdeeda iyadoo la doonayo
in la laayo shacabka aan waxba galabsan taasoo
ah arrin ugub u ah oo la soo safriyey, waxaa
kaloo calaamadooda ka mid ah in ay bambooyin ku
tuuraan meelaha bulshadu isugu yimaadaan iyagoo
sheeganaya anshax toosin, hase yeeshee waxaa la
wada ogsoon yahay in aan ciddina baneysan karin
dhiiga bini'aadamka oo aysan xukun ku soo ridin
maxkamad la wada aqoonsan yahay.
Waxaa ujeedooyinkeena ka mid ah:-
1) In aan dalkeena ka nadiifino dembiilayaasha
xag jirka ah ee ku been abuuranaya magaca
diinteena Islaamka ah ee muqadaska ah.
2) In laga sifeeyo magaala madaxda & guud ahaan
Soomaaliya oo dhan kuwa biira-qaatayaasha ah oo
taageera dembiilayaasha ajnebiga ah iyagoo
siinaya meel ay ku dhuumaaleystaan iyaga &
waxyaabaha wax lagu qarxiyo
3) Shacabka Soomaaliyeed waa shacab wada muslim
ah, diintoodana aan cid kale wax ugu dhimin,
iyagana wax isugu dhimin, waayo diinta Islaamka
ayaa ah diin la isugu kaalmeeyo wanaaga ee ma
ahan mid la isku waxyeeleeyo ama la isku dilo,
laakiin sanadahaan dambe waxaa Soomaaliya soo
gaaray rag afkaaro xag jira xambaarsan kuna
gambanaya diinta Islaamka.
4) Waxaa si baahsan loo shaaciyey, kuna
caanbaxay in dalka Soomaaliya ay joogaan
argagixisada caalamiga ah (Al-Qaacida) oo
dhibaatooyin kala duwan oo dhimasho keenay ka
soo sameeyey meelo badan oo dunidda ka mid ah.
5) Kadib markaan tira-koobnay baaritaan dheer &
dabagalna ku sameynay aragnayna sida macna
darrada ah & sida sahalka ah loogu leynayo meelo
badan oo Soomaaliya ka mid ah gaar ahaan
magaalada Muqdisho, sida culumaa'udiinka,
saraakiisha aqoonta sare lahaa, aqoonyahanadii &
indheer-garatadii in inta hartay la daba-qabto,
kana badbaadino damiir-laawayaasha xambaarsan
afkaarta dhoofiska ah.
6) Haddaba waxaa is-weydiin muddan wadankeena
Soomaaliya maanta oo uu ku sugan yahay marxalado
qalafsan kuwo rabbaani ah oo ay ka mid yihiin
abaaraha & macluusha & kuwo bini'aadamku sababo
sida dagaalada & nabadgelyo darrida, miyuu
dalkeenu qaadi karaa argagixiso ajnebi ah oo
dalalkooda ama wadamo kale dembiyo ka soo galay,
kuna dhuumaaleysana dalkeena, Jawaabtu waa maya.
7) Soomaaliya iyadaa beesha caalamka ka dooneysa
taageero & in gacan laga siiyo sidii sharcigii &
kala dambeyntii & nabadgelyadii luntay loo soo
celin lahaa ee uma baahna in aan dakano gaar ah
ka galno caalamka intiisa kale oo ay ku jiraan
dalalka Islaamka.
|
Haddana si looga badbaado dhibaatooyinka aan soo
sheegnay waxaan soo jeedineynaa qodobadaan:-
1) In shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo uu
jooga meel looga soo wada jeesato, lagana
foojignaado waxyeeladooda.
2) In ciddii aragta dad afka ama madaxa soo
duubtay ay soo wargeliyaan Isbaheysiga meesha
ugu dhowl.
3) In kuwa afafka duubta ay iska qabtaan iyagoo
waxyeelo geysanaya haddii ay arkaan.
4) In ay culumaa'udiinka Soomaaliyeed ka hadlaan
in Islaamka ay ka xaaraan tahay in uu wax
argagixiyo ama iska dilo dad aan maxkamad sharci
ah aysan xukumin.
5) In dhalinyarada ay marin habaabiyeen ay dib
uga fikiraan waxyaabaha loo sheegay oo ay ka mid
tahay in ay dilaan shaqsi bini'aadam ah oo
idinla mid ah oo aysan garaneyn waxa uu ka
haleeyey Islaamka.
6) In dhalinyarada loo tababarayo qaabka
argagixisada ee sida qof loogu dhaco gurigiisa
laguna dilo ama dariiqa dhexdiisa ay gartaan in
howshaasu tahay ALLE ka dheeri laguna cadaab
mudanayo.
7) In shaqsiyaadka hogaaminaya argagixisada
wadankeena ay ka tanaasulaan nidaamkan qatarta
ah, haddii kale ay dhaxal-siin karto
dhibaatooyin ka culeys badan waxa ay maleysan
karaan.
Hakaan ka aqriso qudbooyinkii ay halkaa ka
jeediyeen qaar kamida xubnaha isbahaysigii
Ladagaalanka Argagixisadda iyo wixii ay ka
yiraahdeen.
Max'ed Qanyare muxuu yiri ?!

"Waxaa la yiri dhulkeey miino geliyeen, waxaa la
yiri aqoonyahanadeey dileen, shaqsiyaadkaasina
waa la yaqaan, waana la soo sheegayaa, horayna
waxey u sheegeen in dowlad Islaami ah aya ku soo
rogayaan dalka oo la mid ah Iiraan & Daalibaan
oo kale, waana wax jiro cid is-moogeysiin kara
ma lahan, waxey furteen maxkamado, afkeeyo
duubteen, dadkeey dilaan, xabsiyaal ayey
suubsadeen, waa la yaqaan cid aanan aqoon ma
jirto, fikirkaan annaga ayaa iska leh, balse
fikirka ay ku shaqeeyaan iyagu waa mid dibedda
laga keenay sida bariiskii & baasatadii, waxaana
la doonayaa in ay is cadeeyaan oo ay yiraahdaan
argagixiso annaga ayaa na la yiraa sida ay Osama
Bin Ladin, Al-Zawaahiri, Zaqraawi ay isku
cadeeyeen iyaguna waa in ay is cadeeyaan, annaga
dowlad noo xilsaartay shaqadeena ma jirto,
damiirkeena & shacabka Soomaaliyeed
rabitaankiisa oo la aamusiyey ayaa noo xilsaaray,
Muqdisho & agagaarkeeda waxaa saaran xaalad la
mid ah "Zone 5" adduunka oo dhan & hay'adihii
wax caawinayey Muqdisho waa ka carareen gobolada
Soomaaliya waa la caawiyaa laakiin Muqdisho
waxaa loo caawiyey argagixiso darteed, Annagu
dadka ma dilno, habeenkiina ma mirano"
Muuse Suudi muxuu yiri ?!

"Annaga falalka dilka & dhaca diinta lagu
daboolanaayo , muslim ayaan nahay, Islaamka in
wax lagu argagixiyo ma ogola, waxaa na dhibay
nimanka saraakiisha & aqoonyahanada inta
guryahooda looguy dhaco la dilayo, G/sare,
Janano & aqoonyahano ayaa la dilay, Marxuum C/qaadir
Yaxye ayaa gurigiisa loogu dhacay, waxaan ku
midownay in aan falkaas ka hor tagno, waxaan
aragnay in nin kasta oo wax wanaagsan qabanaya
madaxa laga goynayo, annaga nimankii hubeysnaa
ayaan nahay waxaan jirineynaa nimanka kale ee
naga maqal, idinka saxaafadda ah waxaan ognahay
in aydnaan sheegi karin kuwa falkaasi geysanaya
annaga waad na caysaan, waad na xogatiin, ma
jiraa weriyeyaashiina hal nin oo inta aan la soo
hadalnay aad niri hadaad warkaas naga sheegtid
waan dagaaleynaa aan niri maan leenahay,
dhibaatada ay argagixisadu na gaarsiisay ma yara,
annaga xittaa waxaan haynaa wiilal tababaran oo
guryaha dadka ugu dhici kara oo tababar buuxa
dhaca xittaa C/llaahi Yuusuf inta gurigiisa uga
dhaca soo dili kara, waxaa la waayey qaxootigii
& dhibaatadii dalka ka dhacday cid u soo gurmata
ayaa la weynayaa, ciddii iyaga ka mid ah oo ka
towbad keenta waan soo dhoweyneynaa.
Cumar Filish muxuu yiri ?!
"Waxaan ognahay bahda saxaafadda in ay tebiyeen
dad badan oo la dilay, balse nasiib darro cidda
dishay ma aydnaan sheegin, marka haddii aan is-warsanay
waxaan isku sheegnay dilalka dhacay waa kuwo ka
duwan wixii horay dalka uga dhici jiray Muqdisho
& Soomaaliya, waxaana is tusaaleynay in arrinta
argagixisada ay tahay mid ugu ah oo ku cusub
dalka & dalka, kana timid shisheeye, haddana
shisheeyaha & cidda ay gabaadka ka dhiganayaan
in aan ka soo horjeesano ayey tahay ujeedadeena
annaga oo la kaashaneyna ummadda Soomaaliyeed,
waxaana uga digeynaa dadka arrintaasi ku lugta
leh"
Ganacsade Bashiir Raage muxuu yiri ?!

"Waxaan ka damqanay dhibaatada dalka gudihiisa
ka soconeysa, waxaanan la hureyn in la sheego
runta, runtuna waa mida loo aayayo ee la isugu
tegayo berri, mushkiladu halka ay ka socoto waa
nimanka cusub ee Wahaabiyada ah ee manhajkan aan
la aqaan soo geliyey dalka, mushkiladuna waa
nimankaas, annagu waxaan nahay dad Muslim ah ku
dhashay Muslinimada kuna dhaqmaya
madbahadtooduna Shaaficiyadu tahay, mana
dooneyno nimankaan cusub ee howsha soo galay ee
loo yaqaan Wahaabiyo ama adduunku u yaqaan
argagixiso, waxaana aaminsanahay dariiqada
suufiyada, iyagana uma aqoonsanin waddaado ee
waxaan u aqoonsanahay in ay yihiin dilayaal,
waxaan u midoobeynana aan iyaga iska dhicinaa,
huno huno hadal ma ahan arrintu waa in ay labada
berjo mid u dhaqaaqdaa, dagaalku wuxuu u socdaa
oo aan laga baaqsaneyn nimankaan Wahaabiyada la
yiraa & annaga oo Shaaficiyo ah culumana waxaan
u naqaan culimadaan suufiyada ah, waxaan ka soo
horjeednana waa Wahaabiyada, Xamar na waa lagu
kala bixi doonaa ama labo jaanib buu noqon
doonaa, marka ciddii rabta ALLAAHU maa balaqto
in ay xoog wax nagu geliso ha la soo safato
Wahaabiyada ciddii dariiqu suufiyaadka ahna
dhabarkeenaan ka fiirineynaa"
Xubnahan maanta isu tegaya ayey warar ku dhow
dhow sheegayaan in kulankooda ay ku shaacin
doonaan in ay wax ka qabanayaan Ammaanka gobolka
Banaadir & sidii loogu furi ahaa kaabayaasha
adeega bulshada, iyadoo warar kalena ay
sheegayaan in xubnahani ay doonayaan in ay
dhisaan hay'ad qaabilsan la dagaalanka
argagixisada
Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
C/qeybdiid oo isagu mar danbe ku soo biiray
isbahaysiga 16-4-2006-da ayaa isagana gadaal ka
sheegay
Cabdi Qeybdiid muxuu yiri ?!

“Waxay ila tahay sadar muuqda su’aal ka dhan
waxaa ii muuqday mudadii labada bilood aheyd ee
la soo dhaafay dhaqamada cusub ee argagaxisadu
ay la soo baxday ayaan go’aansaday in aan ku
biiro isbaheysigan si dalka iyo dadka looga
qabto dhibaatada ay Al-itixaad iyo shisheeyaha
ay qarinayaan ku hayaana shacabka ” ayuu yiri
Qeybdiid oo iska fogeeyey in arrimo la xirira
dhinaca dhaqaalaha uu ugu soo biiray Isbaheysiga
la dagaalanka argagaxisada, isagoo sheegay iin
cidii lacag la siiyaa aanay diideyn balse
ujeedadiisu tahay inuu guto waajib ka saaran wax
u qabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
1)- Mudane Max’ed Qanyare Afrax
2)- Mudane Muuse Suudi Yalaxow
3)- Mudane Max’ed Cumar Xabeeb (M/dheere)
4)- Mudane Cumar Maxamuud Max’ed Filish
5)- Mudane Bootaan Ciise Caalin
6)- Mudane Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
7)- Mudane Bashiir Raage Shiiraar
8)- Mudane C/rashiid Shire Ilqeyte
9)- Mudane Cabdi Nuurre Siyaad
10)-Mudane Cabdishukri Cali Xirsi
11) Mudane Ciise Cisman Cali
Dagaal Adag oo lala galay Isbahaysigaas ay ku
dhawaaqeen inta badan Hogaamiye Kooxeedyadda
ayaa sababay in ay waayeen taageeradda dadka
iyadoo xitaa la waayay maleeshiyaad u dagaalama
iyadoo sidoo kalena awoodi waayay in ay isku
gurmadaan waxaana ay horey u sheegeen in ay si
wada jira ula dagaalami doonaan dadkii ay ku
sheegayeen argagixisadda iyo iyagoo ku balamay
in la isku soo gurmado balse waxaa la waayay mid
mid kale garab siiya ama u gurmadda.

Maxamed dheere
Dagaalo badan oo soo laab laabtay ayaa looga
wada awood roonaaday iyadoo layaabkuna uu noqday
in hubkii ugu badnaa uu iyaga gacmahooda ku jira
balse markii danbe mid mid xilka looga tiriyay
oo hubkoodii lala wada wareegay iyadoo Ninkii
isbahsyiga hoygiisa lagu aas aasay Maxamed
Qanyare Afrax uu u baxsaday dhanka Jowhar
hoygiisiina looga dhawaaqay Maxkamad Islaami ah.
sidookale Bootaan Ciise iyo Cabdi Waal, halka
Bashiir Raage iyo Muuse Suudi-na la sheegay
dooni ay ku baxsadeen halka intii soo hartayna
la waayay meel ay ka baxeen oo qaarkood qarsoodi
ugu cararay dalka.

Cabdi shukri
Sidaas loogama harine ilaa jowhar waa looga daba
tagay halkaas oo dabeeshii isbadalku ay gaartay
ilaa gacanta lagu dhigo inta badan goboladda
Koonfurta ay iyagiina maciin bideen qaarkood
dowladdii ay hortaagnaayeen taasoo ugu
danbeyntii iyagoo xubno baarlamaan ah kuraastii
Baydhaba ku fariisteen, halka qaarkoodna laga
sheegay in ay ku dhuumaalaysanayeen wadamo
kamida afrika, waxaase intaa sii dheereed in
dowladda Kenya ay qaarkamida ka musaafurisay
dalkeedii.

Intaas oo dhan waxay u eheed cibro qaadasho
maadaama raggii isla weynaa oo markii ay
marayaan wadooyinka magaaladda Muqdisho ama
goboladda ay ka taliyaan tobanaan Tikniko ah
lagu waardiyeen jiray ay ciribtodii sidaa
noqotay ugu danbeyna dhuumasho galay waxaase sii
wanaag badnaan laheed in lagu soo maxkamadeeyo
danbiyaddii ay umadda iyo dalka ka galeen.
Haatan wax walba waa ay isbadaleen laba sano
kadib wadankiina cadow ayuu gacanta u galay
taasoo eeda ugu badan ay leeyihiin ragaan
hogaamiye kooxeedyadda ahaa oo iyagu mas'uul ka
ah xasuuqa shacabka iyo waliba danbiyo kaloo
farabadan.
Wali waxaa jira dad aan ku cibro qaadan iyadoo
lawada ogsoon yahay in aan awood looga adkaan
hogaamiye kooxeedyadaas balse ay ku dhacday caro
alle iyo iyagoo awoodi waayay in ay isdifaacaan
hub kastoo gacantooda ku jiray dadbaase ilaa
hadda wadadaas haya oo wadankii cadow u soo
hogaamiyay balse illaah ayaan ka rajaynaynaa in
uu xaqa tusiyo kana tanaasulaan.
W/D: Cabdifitaax Cali Aadan
cfitaaxsom@hotmail.com